HomeWararMadaxda Maamul Goboleedyada oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed

Madaxda Maamul Goboleedyada oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Madaxda Dowlaad Goboleedyada ayaa Hamalyo u diray Ciidanka Xoogga dalkla Soomaaliyeed, oo ay manta ku aaddan tahay 62 sabo guuradii kasooo wareegtay markii la aas-aasay. Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa hambalyo udiray Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona ugu hambalyeeyay munaasabadda 12 April oo ah markii la aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka 1960-kii oo ay […]

- Advertisement -

Madaxda Dowlaad Goboleedyada ayaa Hamalyo u diray Ciidanka Xoogga dalkla Soomaaliyeed, oo ay manta ku aaddan tahay 62 sabo guuradii kasooo wareegtay markii la aas-aasay.

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa hambalyo udiray Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona ugu hambalyeeyay munaasabadda 12 April oo ah markii la aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka 1960-kii oo ay kasoo wareegtay 62 sano.

- Advertisement -

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale hambalyada udiray ehelada Ciidanka Xoogga Dalka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maalintan Maamuuska badan ugu Hambaliyeeyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Madaxwaynaha ayaa Saraakiisha, Saraakiil Xigeenada, Alifleyda, Dablayda iyo Qoysaskooda ugu Hambaliyeeyay Munaasabadan Qiimaha Badan waxana uu ku bogaadiyey Geesiyaasha Naftooda Huriyaasha ah inay xoojiyaan Difaaca Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaasi Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan ugu hambalyeeyay sanad guurada 62-aad ee kasoo wareegatay markii la’aasaasay.

- Advertisement -

“Dowlad Goboleedka Puntland ayaa muhimad gaar ah siisay dhismaha iyo dib-u-habeynta Ciidamada, waxaana Madaxweyne Ku-xigeenku ku boggaadiyay difaaca iyo naf hurnimada ay u sameynayaan illaalinta nabadgelyada iyo amniga Puntland iyo guud ahaan  Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa dhankooda hambalyo u diray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Latest stories