HomeWararFarmaajo oo Khadka Taleefanka kula hadlay Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay

Farmaajo oo Khadka Taleefanka kula hadlay Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay oo khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farjaamo ayaa kala hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihin doorashooyinka, arrimaha amniga, abaaraha iyo hawlgalka cusub ee ATMIS. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Qaramada Midoobay, Xoghayaha Guud Antonio Guterres iyo madaxweyne Farmaajo ayaa ka wada hadlay […]

- Advertisement -

Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay oo khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farjaamo ayaa kala hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihin doorashooyinka, arrimaha amniga, abaaraha iyo hawlgalka cusub ee ATMIS.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Qaramada Midoobay, Xoghayaha Guud Antonio Guterres iyo madaxweyne Farmaajo ayaa ka wada hadlay in la dedejiyo hannaanka doorashada ee Soomaaliya, isaga oo xoghayaha guud uu sheegay inuu rajaynayo in si degdeg ah loo soo gebagebeeyo geedi-socodka doorashada iyo in arrimaha taagan lagu dhammeeyo wada hadal.

- Advertisement -

Xoghayaha guud ayaa la wadaagay madaxweyne Farmaajo, sida uu u garab taagan yahay Soomaaliya gaar ahaan xilligan ay sare u kaceen weerarada ururka al-Shabaab iyo abaaraha daran ee Soomaaliya ka jira.

Xoghayaha guud ayaa sidoo kale muujiyey sida uu u taageersan yahay hawlgalka cusub ee Midawga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS, isaga oo Soomaaliya u rajeeyey inay awood u yeelato inay si buuxda ula wareegto amnigeeda.

Latest stories