HomeCaalamkaCiidanka Ruushka oo la sheegay inay Tacaddiyo kula kaceen Haween u dhashay...

Ciidanka Ruushka oo la sheegay inay Tacaddiyo kula kaceen Haween u dhashay Ukraine

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay inay baarayso kiisas dumar la tuhunsan yahay inay kufsadeen ciidamada Ruushka. Waxaa socota diiwaangelinta kiisaskaas oo kamid ah tacaddiyo noocyo badan oo lagula kacay dadka rayidka inta uu socday dagaalka Ukraine. Xukuumadda Moscow ayaa beenisay eedeymahaas loo jeediyay ciidamadeeda. Dhanka kale, mas’uuliyiinta gobolka Luhansk ee Bariga Ukraine ayaa ku warramaya in […]

- Advertisement -

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay inay baarayso kiisas dumar la tuhunsan yahay inay kufsadeen ciidamada Ruushka.

Waxaa socota diiwaangelinta kiisaskaas oo kamid ah tacaddiyo noocyo badan oo lagula kacay dadka rayidka inta uu socday dagaalka Ukraine.

- Advertisement -

Xukuumadda Moscow ayaa beenisay eedeymahaas loo jeediyay ciidamadeeda.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta gobolka Luhansk ee Bariga Ukraine ayaa ku warramaya in taangiyada Ruushka ay aaggaas ka billaabeen duullaan cusub. Saraakiil Reer Galbeed ah ayaa sheegay inay filayaan in Ruushka uu saddex labaad kordhin doono ciidamada ka jooga gobollada bari ee la isku yiraado Donbas.

Maraykanka iyo Britain ayaa shaaciyay inay xaqiijinayaan warar sheegaya in ciidamada Ruushka ay hub kiimiko ah u isticmaaleen dagaalka magaalada Mariupol.

- Advertisement -

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegay in weli aysan xaqiijin warkaas, balse ay si taxadar leh u qiimeynayaan xaaladda magaaladaas.

Latest stories