HomeCaalamkaBaarlamanka Pakistan oo doortay Ra’iisul Wasaare Cusub

Baarlamanka Pakistan oo doortay Ra’iisul Wasaare Cusub

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Sharci-dejiyayaasha Pakistan ayaa maanta u doortay Shehbaz Sharif inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub kadib markii Axaddii xilka laga tuuray Imran Khan oo iska casilay kursigiisa golaha qaranka — isaga iyo inta badan xubnaha xisbigiisa — kahor codeynta. Khan ayaa xilka laga qaaday Axaddii kadib markii uu lumiyey codka kalsoonida, taasi oo dhabbaha u xaartay isbaheysi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sharci-dejiyayaasha Pakistan ayaa maanta u doortay Shehbaz Sharif inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub kadib markii Axaddii xilka laga tuuray Imran Khan oo iska casilay kursigiisa golaha qaranka — isaga iyo inta badan xubnaha xisbigiisa — kahor codeynta.

Khan ayaa xilka laga qaaday Axaddii kadib markii uu lumiyey codka kalsoonida, taasi oo dhabbaha u xaartay isbaheysi lama filaan ah oo hadda wajahaya caqabado la mid ah kuwii la degay Khan.

- Advertisement -

Sharif, oo hoggaamiya xisbiga Pakistan Muslim League-N (PML-N), ayaa ahaa musharaxa kaliya kadib markii wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Shah Mahmood Qureshi oo daacad u ah Khan uu ka laabtay musharaxnimadiisa iskana casilay kursigiisa.

“Waa guul usoo hoyatay wanaagga, xumaantana waa laga guuleystay,” ayuu yiri Sharif oo la hadlay sharci-dejiyayaasha.

Xisbiga Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ayaa 155 sharci-dejiye ku lahaa baarlamanka ka kooban 342-ka kursi kahor inta aanay badankood is-casilin, waxaana Shariif lagu doortay 174 cod.

- Advertisement -

Shaqada ugu horrreysa ee Sharif ayaa noqon doonta inuu soo dhiso gole wasiir oo ay xubno badan ka heli doona axisbiga siyaasadda midig-dhexe ee PPP iyo kan midigta ee Jamiat-ulema-e-Islam-F (JUI-F), oo xulufo la ah xisbigiisa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts