HomeWararGuddiga Doorashada Hirshabeelle oo shaaciyay Jadwalka Doorashada saddex kursi

Guddiga Doorashada Hirshabeelle oo shaaciyay Jadwalka Doorashada saddex kursi

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Guddiga doorashooyinka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay qabashada doorashada saddex kursi oo kamid ah ku harsan ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Jowhar. Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay inuu Guddiga qabanayo doorashada saddex kursi oo tirsigoodu kala yihiin #HOP106 #HOP024 iyo #HOP140, iyagoona […]

- Advertisement -

Guddiga doorashooyinka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay qabashada doorashada saddex kursi oo kamid ah ku harsan ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Jowhar.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay inuu Guddiga qabanayo doorashada saddex kursi oo tirsigoodu kala yihiin #HOP106 #HOP024 iyo #HOP140, iyagoona Guddiga soo saaray Jadwalka doorashada kuraasta.

- Advertisement -

Guddiga ayaa xusay in diiwaan-gelinta ergada wax dooraneysa iyo diiwaan-gelinta Musharaxiinta ku tartamaya  kuraasta ay bilaabaneyso maalinta Jimcaha soo socota oo ay taariikhdu ku beegan tahay 8 bishaan April 2022.

Ugu dambeyn Guddiga doorashooyinka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay in doorashada kuraastan la qaban doono 9-ka bishaan, isla markaana doorashada ay ka dhaceyso Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaan weli dhammeeynin doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, waxaana Hirshabeelle ku harsan 6 kursi, halka Jubbaland oo caqabad siyaasadeed heysato ay ku dhiman yihiin 16 kursi oo taalla Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

- Advertisement -

 

Latest stories