HomeCaalamkaDowladda Turkiga oo qaaday tallaabo ay ku qancineyso Sacuudi Carabiya

Dowladda Turkiga oo qaaday tallaabo ay ku qancineyso Sacuudi Carabiya

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Dacwad-ooge Turkish ah ayaa maanta weydiistay maxkamadda Istanbul inay baabi’iso kiiska dilka Jamaal Khaashuqji kuna wareejiso Sacuudi Carabiya, waxaa sidaas xaqiijisay gacalisadii weriyaha la dilay.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo Turkey ay isku dayeyso inay hagaajiso xiriirka Sacuudi Carabiya ee xumaaday 2018 kadib markii Khaashuqji oo ahaa suxufi wax ku qora Washington Post lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Isnatbul.

- Advertisement -

“Dacwad-oogaha wuxuu weydiistay, sida waafaqsan dalabka Sacuudiga, in faylasha kiiska lagu wareejiyo Sacuudi Carabiya lagana soo geba-gebeeyo Turkey,” ayey Hatice Cengiz ku qortay twitter kadib dhageysi maanta ka dhacay Maxkamadda ugu weyn Istanbul.

“Maxkamadda ayaa eegi doonta aragtida Wasaaradda Cadaaladda Turkey, #Khashoggi #JusticeForJamal,” ayey tweet gareysay.

Dacwad-oogista ayaa sheegtay, sida ay ku warantay wakalaadda wararka DHA, in kiiska “uu jiitamayo sababtoo ah amarada maxkamadda lama fulin karo sababo la xiriira in eedeysanayaasha ay yihiin ajaaniib.”

- Advertisement -

Bishii October 2, 2018, Khaashuqji oo ahaa 59 jir ayaa galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul si uu uga soo helo warqado uu ugu baahnaa inuu mehersado gacalasadiisa Reer Turkey.

Sida ay sheegeen saraakiil Mareykan iyo Turkish ah, waxaa qunsuliyadda ku sugayey koox dilayaal Sacuudiyaan ah kuwaas oo dilay kadibna jarjaray meydkiisa, oo aan dib loo arag.

Latest stories