HomeWararFaah faahin: Guddoomiye ku-xigeen waxyeelo kasoo gaartay Qarax ka dhacay Sh/Hoose

Faah faahin: Guddoomiye ku-xigeen waxyeelo kasoo gaartay Qarax ka dhacay Sh/Hoose

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo fiidniimadii xalay ka dhacay degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan afaafka hore ee Guriga uu degan yahay Guddoomiye ku-xigeenka amniga degmadaas Wanlaweyn. Qaraxaas oo ahaa miino ayaa waxaa lagu aasay albaabka hore ee Guriga Guddoomiye Cabdullaahi Gaduudow, waxaana qaraxa uu dhacay, xili Guddoomiye […]

- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo fiidniimadii xalay ka dhacay degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan afaafka hore ee Guriga uu degan yahay Guddoomiye ku-xigeenka amniga degmadaas Wanlaweyn.

Qaraxaas oo ahaa miino ayaa waxaa lagu aasay albaabka hore ee Guriga Guddoomiye Cabdullaahi Gaduudow, waxaana qaraxa uu dhacay, xili Guddoomiye ku-xigeenka uu ku sugnaa Gurigiisa, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Guddoomiye ku-xigeenka amniga degmada Wanlaweyn Cabdullaahi Gaduudow ayaa ku dhaawacmay qaraxa dhacay iyo hal Askari oo kamid ah Ilaaladiisa, isla markaana waxaa ku dhintay Wiil 20 sanno jir ah oo uu dhalay Guddoomiye ku-xigeenka.

Cabdullaahi Gaduudow oo la hadlay BBC-da ayaa u sheegay in qaraxa uu dhaawac fudud kasoo gaaray oo lala tacaalayo xaaladdiisa Caafimaad, isagoo intaas kusii daray in ilaaladiisa ay qaraxa kadib fureen  rasaas xoogan oo aan waxyeelo geysan.

Qaraxyada noocaan oo kale ee ka dhaca Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab, waxaana dhowr jeer oo horey mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Wanlaweyn qaraxyo lagula beegsaday gudaha degmadaas.

Latest stories