HomeCaalamkaYuhuudda oo kulan u qabanaysa afar waddan oo Carab ah

Yuhuudda oo kulan u qabanaysa afar waddan oo Carab ah

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Israa’iil ayaa bilaabi doonta marti-gelinta shir taariikhi ah oo ay ka qayb galayaan afar waddan oo Carab ah iyo Maraykanka. Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Marooko iyo Masar ayaa ka qeyb galaya shirkan oo ka dhacaya saxaraha Negev. Sanadkii 2020-kii ayey Imaaraatka iyo Baxreyn caadiyeeyeen xiriirkii ay la lahaayeen Israa’iil , taas […]

- Advertisement -

Israa’iil ayaa bilaabi doonta marti-gelinta shir taariikhi ah oo ay ka qayb galayaan afar waddan oo Carab ah iyo Maraykanka.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Marooko iyo Masar ayaa ka qeyb galaya shirkan oo ka dhacaya saxaraha Negev.

- Advertisement -

Sanadkii 2020-kii ayey Imaaraatka iyo Baxreyn caadiyeeyeen xiriirkii ay la lahaayeen Israa’iil , taas oo qayb ka ahayd dhexdhexaadintii Mareykanka.

Marooko ayaa sanadkii hore raacday tallaabadii Imaaraatka iyo Baxrayn. Jimcihiina Morocco waxay heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Israa’iil kaas oo ku saabsan iskaashiga milatariga, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada sirdoonka Israa’iil.

Wadahadallada ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro dagaalka Ukraine iyo heshiiska Nukliyeerka ee Iran.

- Advertisement -

Wadahadalladan ayaa loo arkaa caddayn la taaban karo oo ah in heshiisyadii caadiga ahaa ee Maraykanku garwadeen ka ahaa ee labadii sano ee la soo dhaafay ay bilaabeen inay miro dhalaan.

Latest stories