HomeCaalamkaTurkiga oo dalkiisa u fasaxay maal-qabeeno ay dalalka Reer-galbeedka beegsanayaan

Turkiga oo dalkiisa u fasaxay maal-qabeeno ay dalalka Reer-galbeedka beegsanayaan

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in maal-qabeenada Ruushka ee loo yaqaan Oligarchs ay sii wadi karaan inay ganacsiyo ka sameeyaan Turkey inta ay ilaalinayaan sharciga dalka iyo kan caalamiga ah.

Cavusoglu oo lagu doc wareystay Madasha Doha ee Qatar ayaa la weydiiyey haddii maal-qabeenada Ruushka ee wajahaya cunaqabataynada Reer Galbeedka ay ka ganacsan karaan Turkey.

- Advertisement -

“Dabcan, haddii ay tahay sharci, haddii aysan ka hor imaneyn sharciga caalamiga ah. Waan ka fakari doonnaa,” ayuu yiri. “Haddii ay ka hor-imaneyso sharciga caalamiga ah, taasi waa sheeko kale.”

Laba ka mid ah doomaha raaxada ah oo uu leeyahay bilyaneerka Ruushka ee Roman Abramovich ayaa toddobaadkan ku xirtay dalka Turkey.

Tallaabooyinka lagu beegsanayo hantida maal-qabeenada Ruushka ma aysan ansixin QM balse waxaa soo rogay dalalka Reer Galbeedka, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo kuwa xubno ka ah Midowga Yurub.

- Advertisement -

Waxay soo rogeen tallaabooyin aan horey loo arag oo ka dhan ah Ruushka, sababo la xiriira duulaanka ay ku qaaday Ukraine, waxaana ka mid ah in liiska cunaqabataynada lagu daro maal-qabeenada iyo shaqsiyaadka ku dhow Putin.

Dhowr dal ayaa la wareegay doomo lagu raaxeysto oo ay leeyihiin maal-qabeenada Ruushka, ayada oo madaxweynaha Mareykanka oo ka digay in xulufada ay u iman doonta “hantida aad sida sharci-darrada ah ku hesheen.”

Hase yeeshee Turkey oo xubin ka ah NATO, islamarkaana xiriir xooggan la leh Russia iyo Ukraine, kuma aysan biirin dalalka Reer Galbeedka ee beeganaya Moscow.

Latest stories