HomeWararKursi Doorashadiisa adag tahay oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Baladweyne

Kursi Doorashadiisa adag tahay oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada kursiga Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee tirisgiisu yahay #HOP058 oo uu ku fadhiyey sanadihii lasoo dhaafay Nuur Iidow Beyle. Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shalay soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya kuraastaas, waxaana shahaado la siiyay […]

- Advertisement -

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada kursiga Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee tirisgiisu yahay #HOP058 oo uu ku fadhiyey sanadihii lasoo dhaafay Nuur Iidow Beyle.

Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shalay soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya kuraastaas, waxaana shahaado la siiyay 7 Musharax oo ku loolami doona doorashada kursiga #HOP058.

- Advertisement -

Musharaxiinta ku tartamaya kursigaan ayaa waxaa kamid ah Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo ahaa Taliyihii hore ee NISA, Eng Yoonis Maxamed Nuur, Cali Cabdullaahi Cosoble oo ah Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Cabduqaadir Xuseen Olow, Maxamuud Afdhub Makaran, Cabdullaahi Axmed Xuseen iyo Ubah Ali Shegow.

Doorashada kursiga tirisgiisu yahay #HOP058 ayaa Maanta noqon doonta mid siweyn loogu tartamo, kadib markii Guddiga doorashada fureen kursigaan oo uu horey ugu fadhiyey sanadihii lasoo dhaafay Nuur Iidow Beyle oo tartankaan ka haray.

Maamulka Hirshabeelle ayaa la filayaa in maalmaha soo socda soo gaba-gabeyso doorashada kuraasta Golaha Shacabka ku harsan ee taalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana weli usii harsan kuraas kale oo taalla Magaalada Jowhar.

Latest stories