HomeCaalamkaXoghayihii ugu horreeyay ee Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka oo geeriyootay

Xoghayihii ugu horreeyay ee Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka oo geeriyootay

Date:

Related stories

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...
- Advertisement -

Madeleine Albright, oo ahayd haweeneydii ugu horreysay ee Xoghaye Arrimaha Dibadda ka noqota Mareykanka, ayaa u geeriyootay cudurka Kansarka, sida qoyskeeda ay Arbacadii shaaciyeen, waxayna aheyd 84-jir.

Madaxweyne Bill Clinton ayaa Albright u doortay diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanka sannadkii 1996-kii, waxayna xilkaas ku soo shaqeysay afartii sano ee ugu dambeysay ee maamulkii Clinton. Waxay hore u ahayd safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay.

- Advertisement -

Wakhtigaas, waxay ahayd haweeneydii ugu darajada sarreysay taariikhda dowladda Mareykanka. “Waxaa inaga geeriyootay hooyo, ayeeyo, walaal, eeddo iyo saaxiib qaali ah. Waxaa ku hareereysnaa ehelka iyo asaxaabta” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay qoyska Albright oo lagu daabacay Twitter-kaa, kaas oo lagu xaqiijiyay geerideeda.

Sannadkii 2012-kii, Madaxweyne Barack Obama ayaa Albright ku abaalmariyey billadda xorriyadda, oo ah billadda ugu sarraysa ee la siiyo qof rayid ah, isagoo sheegay in nolosheeda ay dhiirri-gelin u tahay dhammaan dadka Maraykanka ah.

Kaddib ka tegisteedii wasaaradda arrimaha dibadda, Albright, waxay sidoo kale ka mid aheyd dadka kor yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee madaxweyne Bush, iyadoo ku dhaleeceysay in halbeegga uu arrimaha dibadda ku saleyay uu ahaa awood, ‘halkii uu kobcin lahaa diblomaasiyasadda xulufada Mareykanka.”

Latest stories