HomeCaalamkaXoghayihii ugu horreeyay ee Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka oo geeriyootay

Xoghayihii ugu horreeyay ee Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka oo geeriyootay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madeleine Albright, oo ahayd haweeneydii ugu horreysay ee Xoghaye Arrimaha Dibadda ka noqota Mareykanka, ayaa u geeriyootay cudurka Kansarka, sida qoyskeeda ay Arbacadii shaaciyeen, waxayna aheyd 84-jir. Madaxweyne Bill Clinton ayaa Albright u doortay diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanka sannadkii 1996-kii, waxayna xilkaas ku soo shaqeysay afartii sano ee ugu dambeysay ee maamulkii Clinton. Waxay hore […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madeleine Albright, oo ahayd haweeneydii ugu horreysay ee Xoghaye Arrimaha Dibadda ka noqota Mareykanka, ayaa u geeriyootay cudurka Kansarka, sida qoyskeeda ay Arbacadii shaaciyeen, waxayna aheyd 84-jir.

Madaxweyne Bill Clinton ayaa Albright u doortay diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanka sannadkii 1996-kii, waxayna xilkaas ku soo shaqeysay afartii sano ee ugu dambeysay ee maamulkii Clinton. Waxay hore u ahayd safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay.

- Advertisement -

Wakhtigaas, waxay ahayd haweeneydii ugu darajada sarreysay taariikhda dowladda Mareykanka. “Waxaa inaga geeriyootay hooyo, ayeeyo, walaal, eeddo iyo saaxiib qaali ah. Waxaa ku hareereysnaa ehelka iyo asaxaabta” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay qoyska Albright oo lagu daabacay Twitter-kaa, kaas oo lagu xaqiijiyay geerideeda.

Sannadkii 2012-kii, Madaxweyne Barack Obama ayaa Albright ku abaalmariyey billadda xorriyadda, oo ah billadda ugu sarraysa ee la siiyo qof rayid ah, isagoo sheegay in nolosheeda ay dhiirri-gelin u tahay dhammaan dadka Maraykanka ah.

Kaddib ka tegisteedii wasaaradda arrimaha dibadda, Albright, waxay sidoo kale ka mid aheyd dadka kor yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee madaxweyne Bush, iyadoo ku dhaleeceysay in halbeegga uu arrimaha dibadda ku saleyay uu ahaa awood, ‘halkii uu kobcin lahaa diblomaasiyasadda xulufada Mareykanka.”

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts