HomeWararC/risaaq Cumar Maxamed oo mar kale loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha...

C/risaaq Cumar Maxamed oo mar kale loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Doorashada kursi ka tirsan kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah ka qabsoontay Magaalada Baladweyne ee  Xarunta Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Kursiga HOP#011 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Maxamed Cumar Barrow iyo Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo sanadihii lasoo dhaafay kursigaas, marna soo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Doorashada kursi ka tirsan kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah ka qabsoontay Magaalada Baladweyne ee  Xarunta Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Kursiga HOP#011 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Maxamed Cumar Barrow iyo Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo sanadihii lasoo dhaafay kursigaas, marna soo noqday Wasiirkii Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya.

- Advertisement -

Doorashada oo aheyd hal wareeg ayaa waxaa ku guuleystay kursiga HOP#011 Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo horey ugu fadhiyey kursigaas, wuxuuna helay Codad gaaraya 55 Cod, halka Murashaxii kale Maxamed Barrow uu helay 46 Cod, hal Codna wuu halaabay.

Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay Natiijada doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Baladweyne, iyagoona shaaciyay in kursiga tirsigiisu yahay HOP#011 uu ku guuleystay Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Doorashadii ka dhacday Baladweyne ayaa ka duwaneyd doorashooyinkii hore uga dhacay Magaalada, waxaana Musharaxiinta tartameysay iyo ergada doorashada ay madaxa kusoo wada xirteen maro guduudan, taasi oo tacsi loogu muujiayay dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Magaaladaas oo ku jirtay AUN Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi…

Latest stories