HomeWararWasiirka Maaliyadda oo Washington shirar kula yeeshay Madaxda Sare ee IMF iyo...

Wasiirka Maaliyadda oo Washington shirar kula yeeshay Madaxda Sare ee IMF iyo Bangiga Adduunka

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo booqasho shaqo u jooga magaalada Washington ee dalka Mareykanka, ayaa shirar muhiim ah la yeeshay Madaxa Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF Kristalina Georgieva iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Afrika Hafez Ghanem. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Beyle ayaa warbixino ka siiyay madaxda […]

- Advertisement -

Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo booqasho shaqo u jooga magaalada Washington ee dalka Mareykanka, ayaa shirar muhiim ah la yeeshay Madaxa Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF Kristalina Georgieva iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Afrika Hafez Ghanem.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Beyle ayaa warbixino ka siiyay madaxda uu la kulamay ee IMF iyo Bangiga Adduunka horumarka Soomaaliya ka samaysay dhawrkii sano ee la soo dhaafay dib – u – habeynta dhaqaalaha dalka iyo Mashaariicda horumarineed ee ka socda Soomaaliya.

- Advertisement -

Kulamadaan dhexmaray Madaxda IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale looga hadlay hannnaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo halka uu marayo barnaamijka dhamaystirka Deyn cafinta.

“Waxa aan kulamo muhiim ah, oo kala gooni ah, misna miro dhal ah la qaatay masuuliyiinta sare ee Bangiga Adduunka iyo Hey’adda IMF.

Agaasimaha guud ee Maamulka IMF Kristalina Georgieva iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka, dhinaca Afrika Hafez Ghanem ayaan ka wada hadalnay sidii lagu horumarin lahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo haatan meel wanaagsan maraya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Beyle.

- Advertisement -

Waxa aan uga mahadcelinayaa dhammaan hey’adaha dhaqaalaha Adduunka iskaashiga xooggan ee nagala dhexeeyo iyo ka qeyb qaadashadooda ah in aan gaarno Goobta kama dambeysta ah ee Deyn-Cafinta Soomaaliya.

Madaxda Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa soo dhaweeyay hannaanka nidaamka Maaliyadda Soomaaliya ku socda iyo horumarka laga sameeyay dib – u – habaynta dhaqaalaha dalka. IMF iyo Bangiga ayaa ballan qadeen in ay sii wadi doonaan taageerada iyo gacansiinta dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan soo kabashada dhaqaalaha dalka iyo dhamaystirka arrimaha Deyn cafinta.

Latest stories