HomeWararRW Rooble oo war kasoo saaray geerida Sheekh Shariif Sheekh Muxayadiin Celi

RW Rooble oo war kasoo saaray geerida Sheekh Shariif Sheekh Muxayadiin Celi

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay Geerida ku Timid Sheekh Shariif Sheekh Muxayadiin Celi. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qoyskiisa iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariistee Sheikh Shariif Sheikh Muxyadiin Celi. Rooble oo soo saaray Qoraal ayaa Sheikha Alle uga baryay in uu Jannadii Firdows ugu […]

- Advertisement -

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay Geerida ku Timid Sheekh Shariif Sheekh Muxayadiin Celi.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qoyskiisa iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariistee Sheikh Shariif Sheikh Muxyadiin Celi.

- Advertisement -

Rooble oo soo saaray Qoraal ayaa Sheikha Alle uga baryay in uu Jannadii Firdows ugu deeqo ehelkiisa, asxaabtiisii iyo Ummadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

“Waxaan  qoyskiisa iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariistee Sheikh Shariif Sheikh Muxyadiin Celi oo Miqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Sheikhu waxa uu ka mid ahaa culimada waaweyn iyo aqoonyahanka dalka ee kaalinta weyn ku lahaa faafinta diinta islaamka, nabadda iyo wacyigelinta bulshada. Waxaan Allaha weyn uga baryayaa in uu Jannadii Firdows ugu deeqo ehelkiisa, asxaabtiisii iyo Ummadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Ayuu yiri RW Rooble”

Sheekha ayaa waxaa uu ahaa caalim lagu yaqaanay faafinta Diinta, sidoo kalena waxaa uu mar soo noqday xilligii sagaashameyadii Guddoomiyihii guud ee hirgelinta Shareecada Islaamka ee Waqooyiga Muqdisho.

- Advertisement -

Sheekh Shariif Sh. Muxyaddiin Celi ayaa da’diisu aheyd 88 sanno, isagoo dhashay sanadkii 1934. Allaha u naxariisto Sheekha ayaa ahaa hoggaamiyaha Jameecada Sheekh Muxyaddiin Celi ee duruqu Suufiya ee Al-qaadiriya.

Latest stories