HomeWararRW Rooble oo War kasoo saaray xilka qaadista Guddoomiyihii Guddiga SEIT ee...

RW Rooble oo War kasoo saaray xilka qaadista Guddoomiyihii Guddiga SEIT ee Hirshabeelle

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay xilka qaadistii uu Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ku sameeyay Guddoomiyihii Guddiga doorashada Hirshabeelle Axmed Xasan Diini. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay inuu Rooble si dhow ula socdo juhdina ku bixinayo dhammaystirka doorashada kuraasta Golaha Shacabka BFS […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay xilka qaadistii uu Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ku sameeyay Guddoomiyihii Guddiga doorashada Hirshabeelle Axmed Xasan Diini.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay inuu Rooble si dhow ula socdo juhdina ku bixinayo dhammaystirka doorashada kuraasta Golaha Shacabka BFS ee wali harsan isagoo kala shaqaynaya Madaxda maamulada.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaruha ayaa u hambalyeeyay Maxamed Xuseen Maxamed oo uu Madaxweyne Guudlaawe u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Hirshabeelle, kaas oo badalaya Axmed Xasan Diini oo xilka qaadis lagu sameeyay.

Rooble ayaa waxaa uu faray dhammaan Guddiyada doorashooyinka dalka inay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada Doorashada ilaaliyaanna kala danbaynta.

Ra’iisul Wasaaraha oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxwaynaha Hirshabeelle ayay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Magaalada Baladwayne loogu tartamo, si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin.

- Advertisement -

Ugu danbayn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu ku boorrinayaa Madaxda Jubbaland iyo Hirshabeelle in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo dhammaystiraan Kuraasta Golaha Shacabka ee harsan.

Latest stories