HomeWararMukhaadaraad iyo dadkii ka Ganacsanayey oo lagu qabtay howlgal laga fuliyay Muqdisho

Mukhaadaraad iyo dadkii ka Ganacsanayey oo lagu qabtay howlgal laga fuliyay Muqdisho

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay aheyd waxaa ay howlgalo ka dhan ahaa maandooriyaha iyo dhallinyaro dhibaato ku hayey shacabka ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan degmada Dharkeenley ee Gobolka  Banaadir. Ciidanka ayaa inta uu socday howlgalka waxaa ay gacanta kusoo dhigeen maandooriyaha noocyadiisa kala duwan oo isugu jiray Xashiish, khamri, Kaniiniyaal farabadan oo […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay aheyd waxaa ay howlgalo ka dhan ahaa maandooriyaha iyo dhallinyaro dhibaato ku hayey shacabka ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan degmada Dharkeenley ee Gobolka  Banaadir.

Ciidanka ayaa inta uu socday howlgalka waxaa ay gacanta kusoo dhigeen maandooriyaha noocyadiisa kala duwan oo isugu jiray Xashiish, khamri, Kaniiniyaal farabadan oo daroogo ah iyo maandooriyeyaal kale iyo dadkii ka ganacsanaayey.

- Advertisement -

Sidoo kale Odayaasha dhaqanka Waaxda afaraad ee degmada Dharkeenley ayaa Laamaha amniga degmadaas u gudbiyey dhibaato ay ku qabaan Ciyaal weero oo ay sheegeen Odayaasha inay dhibaato ku hayaan dhallinyarada oo dadka tuuryeeyan.

Taliyaha Booliska qeybta Galbeed Yaasiin Nuur Kheyre Ganeey oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in howlgalka lagu qabtay maandooriyaha noocyadiisa kala duwan iyo dadkii ka Ganacsanayey, isla markaana ujeedka howlgalka uu ahaa la dagaalanka maandooriyaha.

Wuxuu tilmaamay Taliye Yaasiin Ganeey inay cabasho u soo gudbiyeen Odayaasha dhaqanka Waaxda afaraad ee degmada Dharkeenley, kuwaasi oo xusay inay dhibaato ku hayaan dhalinyarada Ciyaal weerada ah, isagoona digniin u diray Waalidiinta Carruurtaas.

- Advertisement -

Ciidamada Booliska dowladda Federaalka SOomaaliya ayaa marar kala duwan oo horey waxaa ay howlgalo ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir kasuoo qabteen maandooriyaha noocyadiisa kala duwan oo isugu jiray Xashiish iyo khamri.

Latest stories