HomeWararMaxay ka wada hadleen Midowga Musharaxiinta iyo Guddiga Doorashooyinka Federaalka?

Maxay ka wada hadleen Midowga Musharaxiinta iyo Guddiga Doorashooyinka Federaalka?

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf oo ay la socdeen xubno ka tirsan Guddigaas. Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday dedejinta doorashooyinka dalka, ka mira dhalinta Jadwalka doorasho oo ay soo saareen Guddiga doorashooyinka heer Federaal, […]

- Advertisement -

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf oo ay la socdeen xubno ka tirsan Guddigaas.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday dedejinta doorashooyinka dalka, ka mira dhalinta Jadwalka doorasho oo ay soo saareen Guddiga doorashooyinka heer Federaal, iyo xal u helida caqabadaha dhamaystirka doorashooyinka.

- Advertisement -

Midowga Murashaxiinta ayaa waxaa ay kulanka ka sheegeen inay ka go’an tahay in la dedejiyo doorashada dalka Soomaaliya, si dalka looga saaro firaaqa dastuuriga, loona helo hoggaan iyo hay’ado sharci ah.

Kulanka ayaa waxaa Midowga uga qeyb galay Madaxweyneyaashii hore ee dalka Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre iyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo shalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta faray Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf hirgalinta Jadwalka shahaaddo siinta iyo dhaarinta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.

Latest stories