HomeWararGuddiga Doorashada Hirshabeelle oo Goor dhow doortay Guddoomiye cusub

Guddiga Doorashada Hirshabeelle oo Goor dhow doortay Guddoomiye cusub

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Guddiga hirgelinta dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta doortay Guddoomiye cusub, kadib markii uu Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe uu xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Guddigaas doorashada Axmed Xasan Diini. Xubnaha Guddiga doorashada Maamulka oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Guddoomiyaha cusub ee Guddigaas u doortay Maxamed Xasan Maxamed […]

- Advertisement -

Guddiga hirgelinta dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta doortay Guddoomiye cusub, kadib markii uu Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe uu xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Guddigaas doorashada Axmed Xasan Diini.

Xubnaha Guddiga doorashada Maamulka oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Guddoomiyaha cusub ee Guddigaas u doortay Maxamed Xasan Maxamed Waadi oo uu saakay magacaabay Guudlaawe.

- Advertisement -

Guddoomiye Waadi ayaa laga sugayaa inuu hoggaamiyo Guddiga doorashada, isla markaana la dhammeystiro doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee ku harsan Hirshabeelle, kuwaasi oo kala yaalla Baladweyne iyo Jowhar.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Guddiga doorashada Hirshabeelle Axmed Xasan Diini, kaasi oo lagu eedeeyay inuu khatar geliyay amniga xubnaha Guddigaas doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxweyne Cali Guudlaawe ku taageeray tallaabada uu xilkii uga qaaday Axmed Xasan Diini, wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda u hambalyeeyay Maxamed Waadi.

Latest stories