HomeWararMW Deni “Hadafka u weyn ee aan leeyahay waa in uusan xilka...

MW Deni “Hadafka u weyn ee aan leeyahay waa in uusan xilka sii joogi karin Farmaajo”

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu u taaganyahay qabashada xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Deni oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu ugu baaqay dhammaan Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya in ay ku midoobaan in maamulka hada jira ee uu hoggaamiyo Madaxweyne […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu u taaganyahay qabashada xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu ugu baaqay dhammaan Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya in ay ku midoobaan in maamulka hada jira ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo la bedelo.

- Advertisement -

Wuxuu Madaxweyne Saciid Deni tilmaamay in hadafka u weyn ee uu leeyahay ay tahay in uusan sii joogi karin Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla markaana loo baahan yahay in dalka la samatabixiyo oo uu hore u socdo.

“Aniga iyo dadka reer Puntland oo ay ugu horeeyaan Xildhibaanada labada Aqal iyo kuwa kale ee State-yada kale iyo dadka Soomaaliyeed dhammaantoodba waxaan rajeynaya in aan kawada qeyb qaadano isbedel muuqda oo ku dhisan nidaam dimuqraadi ah, nidaam horumarka u shaqeynaya, nidaam wanaaga iyo isjacaylka abuuraya, nidaam turxaan bixinaya khilaafaadka dadka, kala dheerashahana iyo bulshada dhexdeedana illaalinaya inuu marwalba Isku soo dhoweeyo.” ayuu yiri Madaxweyne Sidiid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa inta uusan ku dhawaaqin inuu Musharax yahay kulan la qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doortay Maamulkaas, isagoo ugu hambalyeeyay guushii ay gaareen, sidoo kalena u rajeeyay inuu Alle xilka u fududeeyo.

- Advertisement -

Si kastaba, Saciid Deni ayaa muddo dheer lagu xamanayey inuu isku diyaarinayo doorashada hoggaanka ugu sareeya dalka, taasoo laga gartay sida uu maamulay doorashadii xubnaha labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka.

Latest stories