HomeWararCiidanka Dowladda oo ka hortegay Qarax la doonayay in lagu aaso degaan...

Ciidanka Dowladda oo ka hortegay Qarax la doonayay in lagu aaso degaan ka tirsan Baay

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Ururka 45-aad Guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa sheegay inay ka hortageen xubin ka tirsan Al-shabaab oo doonayay inuu miino ku aaso degaanka Goof-guduud ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed. Saraakiisha Ciidamada qeybta 60-aad ee Xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in la hortegay miinadaasi Al-shabaab ay doonayay inay ku dhibaateeyaan shacabka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Ururka 45-aad Guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa sheegay inay ka hortageen xubin ka tirsan Al-shabaab oo doonayay inuu miino ku aaso degaanka Goof-guduud ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Saraakiisha Ciidamada qeybta 60-aad ee Xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in la hortegay miinadaasi Al-shabaab ay doonayay inay ku dhibaateeyaan shacabka degaanka Goof-guduud ee Gobolka Baay.

- Advertisement -

Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay mootada nooca laba lugooleeyda ee Fekonta loo yaqaan oo uu watay xubin ka tirsanaa Al-shabaab oo ay la qaraxday miinada uu aasi rabay, waa sida hadalka u dhigeen Saraakiisha Ciidamada qeybta 60-aad.

Degaanka Goof-guduud ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ah deegaan ay marar badan ka dhaceen dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab oo weeraro ku qaaday deegaankaas, kuna qabsaday weeraro, in kastoo laga saaray.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts