HomeWararWariye ka tirsanaa Telefashinka Jubbaland oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka

Wariye ka tirsanaa Telefashinka Jubbaland oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa galabta ka dhacday doorashada kursi ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kaasi oo deegaan doorashadiisa tahay Jubbaland. Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP029 ayaa waxaa ku tartami lahaa laba Musharax oo kala ah Axmed Maxamuud Jaamac iyo Cabdiqani Cali Ciise, […]

- Advertisement -

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa galabta ka dhacday doorashada kursi ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kaasi oo deegaan doorashadiisa tahay Jubbaland.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP029 ayaa waxaa ku tartami lahaa laba Musharax oo kala ah Axmed Maxamuud Jaamac iyo Cabdiqani Cali Ciise, hayeeshee inta aysan bilaaban doorashada ayaa waxaa tartanka ka haray Musharax Cabdiqani Cali.

- Advertisement -

Ergada doorashada kursigaan ayaa Axmed Maxamuud ugu coddeeyay qaab gacan taag ah, isla markaana waxaa uu helay dhammaan Codadkii kalsoonida ee ergada doorashada, kadib markii uu u tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa Cabdiqani Cali.

Xildhibaanka cusub Axmed Maxamuud Jaamac ayaa muddo dheer ka mid ah warbaahinta dowlad Goboleedka Jubbaland gaar ahaan Telefashinka iyo warfaafinta Madaxtooyada, isagoo tebin jiray wararka iyo Barnaamijyada.

Maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa in todobaadkaan gudihiisa ay kusoo gaba-gabeeyaan doorashada kuraasta harsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Latest stories