HomeWararWafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo Shirar uga qeyb galaya dalka Mareykanka

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo Shirar uga qeyb galaya dalka Mareykanka

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ku sugan magaalada Washington D.C ee Caasimadda dalka Mareykanka halkaasi oo shirar heer sare ah uu kula yeelanayo madaxda Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunkan iyo xubno sarsare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Maaliyadda dowladda Mareykanka. Shirarkaan ayaa diirada lagu saari doonaa halka […]

- Advertisement -

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ku sugan magaalada Washington D.C ee Caasimadda dalka Mareykanka halkaasi oo shirar heer sare ah uu kula yeelanayo madaxda Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunkan iyo xubno sarsare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Maaliyadda dowladda Mareykanka.

Shirarkaan ayaa diirada lagu saari doonaa halka horurmarada laga sameeyay barnaamijka dib – u – habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo arrimaha dhamaystirka Deyn cafinta Soomaaliya oo ay Hey’addaha dhaqaalaha calaamka ay muhiim u yihiin.

- Advertisement -

“Magaalada Washington, waxa aan shirar muhiim ah kula qaadanayaa masuuliyiinta Hey’adaha dhaqaalaha Caalamka sida Bangiga Adduunka iyo IMF oo maalmaha soo socda  aan ka wada hadli doonno dhameystirka hanaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya.

“Waxaa naga go’an in aan horumarino hanaanka gaba-gabada deyn_Cafinta Soomaaliya oo aan u soo marnay waddo dheer iyo Dadaal fara badan.” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Wafdiga Wasiirka Maaliyadda xilgaarsiinta waxa ku wehliya Danjiraha dowladda Federaalka Soomaaliya ee Washington Amb. Cali Shariif Axmed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  doonayso in ay dardar-geliso barnaamijka Deyn Cafinta iyo taageerada farsamo ee dhanka soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.

- Advertisement -

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa toddobaadkii hore qiimayn ay ku samaysay dhinacyada dib u habeynta dhaqaalaha iyo barnaamijka la socodka shaqaalaha dowladda Federaalka ku sheegtay in Soomaaliya ay horumar ka samaysay nidaamka iyo dib u habaynta hannaanka Maaliyadda dalka.

Latest stories