HomeWararSaciid Deni oo Caawa ku dhawaaqay inuu yahay Musharax Madaxweynaha Soomaaliya

Saciid Deni oo Caawa ku dhawaaqay inuu yahay Musharax Madaxweynaha Soomaaliya

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Madaxweynaha Puntland Jaamac Dabaraani ayaa waxaa uu ku shaaciyay in Madaxweyne Saciid Deni uu yahay Musharax Madaxweyaha dalka Soomaaliya, xili hore warar soo baxayay ay sheegayeen […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Madaxweynaha Puntland Jaamac Dabaraani ayaa waxaa uu ku shaaciyay in Madaxweyne Saciid Deni uu yahay Musharax Madaxweyaha dalka Soomaaliya, xili hore warar soo baxayay ay sheegayeen inuu Deni sharaxnaa.

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland ayaa galabta kulan la qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doortay Maamulkaas, isagoo ugu hambalyeeyay guushii ay gaareen, sidoo kalena u rajeeyay inuu Alle xilka u fududeeyo.

“Madaxweyne Deni wuxuu u taaganyahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waa hoggaamiye samata bixin kara dalkeena. Soomaaliya waxay u baahantahay in dadku codeeyo iyo in nabad la helo labadaasina isaga ayaa ku suntan” ayuu yiri Afhayeen Jaamac Dabaraani.

Si kastaba, Saciid Deni ayaa muddo dheer lagu xamanayey inuu isku diyaarinayo doorashada hoggaanka ugu sareeya dalka, taasoo laga gartay sida uu maamulay doorashadii xubnaha labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka.

Latest stories