HomeCaalamkaRuushka oo hub aan weli dunida laga isticmaalin u adeegsaday Dagaalka ka...

Ruushka oo hub aan weli dunida laga isticmaalin u adeegsaday Dagaalka ka socda Ukraine

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ruushka ayaa Jimcihii adeegsaday gantaalladiisa cusub ee aadka u dheereeya ee hypersonic kaasi oo uu ugu magac-daray Kinzhal, waxaana uu doonayay in uu ku burburiyo keyd dhulka hoostiisa ah oo lagu keydiyo gantaallaha iyo rasaasta kuna yaalla galbeedka Ukraine. Goobta la weeraray ayaa u dhow Romania oo ah dal xubin ka ah xulufada NATO, waxaana […]

- Advertisement -

Ruushka ayaa Jimcihii adeegsaday gantaalladiisa cusub ee aadka u dheereeya ee hypersonic kaasi oo uu ugu magac-daray Kinzhal, waxaana uu doonayay in uu ku burburiyo keyd dhulka hoostiisa ah oo lagu keydiyo gantaallaha iyo rasaasta kuna yaalla galbeedka Ukraine. Goobta la weeraray ayaa u dhow Romania oo ah dal xubin ka ah xulufada NATO, waxaana tani ay falanqeeyayaashu ku sheegeen in ay tahay markii ugu horreysay taariikhda dunida ee la adeegsado hubka ceynkan ah.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa warkan xaqiijisay Sabtida maanta ah, waxaana ay timid maalintii 24-aad ee collaaddan, iyo xilli ay Ukraine ay iska caabin xooggan ku hakisay horumarkii ciidamada Ruushka, sida ay sheegeen saraakiil reer galbeed ah.

- Advertisement -

Ruushku waligiis ma qiran in uu dagaal u isticmaalay hubkan saxnaanshaha sare ee sugan leh, waxaana wakaaladda wararka dowladda ee RIA Novosti ay warisay in ay ahayd markii ugu horaysay ee la adeegsado Kinzhal (Dagger) intii uu socday duullaanka Ukraine.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruushka ayaa sheegtay in nidaamka gantaalaha Kinzhal oo wata gantaalada hawada sare uu burburiyay bakhaar weyn oo dhulka hoostiisa ku yaalla oo ay ku keydsanaayeen gantaalada iyo rasaasta hawada, waxaana ay sheegtay in goobta ay beegsatay ay tahay tuulada Deliatyn ee gobolka Ivano-Frankivsk.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa gantaalka Kinzhal ku tilmaamay hub tayadiisu sarreyso oo ku duuli karo xowli toban laab ka dheereeya kan codka, kana gudbi kara difaacyada gantaalaha hawada. Gantaalka Kinzhal ayaa ka mid ahaa hubka cusub ee Putin uu ku soo bandhigay khudbaddiisii qaran ee 2018-kii.

Latest stories