HomeWararRooble oo Guddiga Doorashooyinka kala hadlay hirgalinta Jadwalkii ay diideen KGS iyo...

Rooble oo Guddiga Doorashooyinka kala hadlay hirgalinta Jadwalkii ay diideen KGS iyo Galmudug

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yusuf. Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddoomiye Muuse Geelle ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday hirgalinta Jadwalka shahaaddo siinta iyo dhaarinta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee guddigu shaaciyay. Sidoo kale […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yusuf.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddoomiye Muuse Geelle ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday hirgalinta Jadwalka shahaaddo siinta iyo dhaarinta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee guddigu shaaciyay.

- Advertisement -

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday dhammeystirka doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee weli ku harsan dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle oo aan weli dhammeeynin doorashada.

Maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa gaba-gabeeyay doorashada  Golaha Shacabka, waxaana ku harsan oo kaliya Hirshabeelle iyo Jubbaland oo caqabad siyaasadeed ka heysato deegaan doorashada labaad ee Magaalada Garbahaarey.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo maalmo kahor Koonfur Galbeed iyo Galmudug kasoo horjeesteen Jadwalkii dhaarinta Xildhibaanada oo ay soo saareen Guddiga doorashooyinka heer Federaal, iyadoona labada maamul Jadwalka ku tilmaamay mid sharci darro ah, sidoo kalena shaaciyay in aysan qaadan doonin Go’aanmada kasoo baxa Guddigaas

Latest stories