HomeWararMareykanka oo soo saaray farriin ku socota Maamulada Jubbaland iyo Hirshabeelle

Mareykanka oo soo saaray farriin ku socota Maamulada Jubbaland iyo Hirshabeelle

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay farriin ku socota Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa marka hore lagula hadlay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maamulkiisa maalintii shalay aheyd soo gaba-gabeeyay […]

- Advertisement -

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay farriin ku socota Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa marka hore lagula hadlay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maamulkiisa maalintii shalay aheyd soo gaba-gabeeyay doorashada Golaha Shacabka.

- Advertisement -

Safiirka Mareykanka Danjire. André ayaa maamulada Jubbaland iyo Hirshabeelle ugu baaqay inay soo dhammeeyaan doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad dowladda Federaalka ee ku harsan labadaas maamul.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa waxaa hore u soo gaba-gabeeyay maamulada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Galmudug, waxaana shalay doorashada dhammeeyay Puntland, iyadoona la doortay dhammaan Xildhibaanada maamuladaas kasoo jeeda.

15-kii bishaan Maarso 2022 ayuu qorshahu ahaa in lasoo gaba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka, balse mar kale ayey dib u dhacday doorashada markii waqtigaas lagu heshiiyay doorashada ku dhameeyn waayeen Jubbaland, Hirshabeelle iyo Puntland oo soo gaba-gabeeysay doorashada Golaha Shacabka oo muddo badan soo jiitameysay.

Latest stories