HomeWararGo’aamo laga soo saaray Shir looga hadlaayay Amniga Jubbaland oo Maanta qabsoomay

Go’aamo laga soo saaray Shir looga hadlaayay Amniga Jubbaland oo Maanta qabsoomay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxwaye ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland ahna kusimaha Madaxweynaha Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir-guddoomiyey shirka billaha ah ee golaha amniga Jubbaland oo ka qabsoomay Magaalada Kismaayo. Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa amniga guud ee Jubbaland, iyadoo lagu jiro xilli doorasho, sidoo kalena ay foodda nagu hayso bisha […]

- Advertisement -

Madaxwaye ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland ahna kusimaha Madaxweynaha Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir-guddoomiyey shirka billaha ah ee golaha amniga Jubbaland oo ka qabsoomay Magaalada Kismaayo.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa amniga guud ee Jubbaland, iyadoo lagu jiro xilli doorasho, sidoo kalena ay foodda nagu hayso bisha barakeysan ee Ramadaan.

- Advertisement -

Golaha Amniga Jubbaland ayaa intii shirku socday waxay bogaadiyeen howlgalada nabadgelyada lagu xaqiijinayo ay wadaan laamaha amniga, waxayna Go’aamiyeen in la xoojiyo howlgalada, si looga hortego falalka amni darro ah ee xiliyada qaarkood dhaca.

Sicir bararka oo dhibaato ba’an ku haya qaybaha bulshada ayey sidoo kale goluhu ka doodeen, waxaana la go’aamiyey in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto sicirka hoosna loo dhigo qiimaha macayshadda kala duwan oo hadda aad u sarreeya.

Markii uu soo idlaaday shirka ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka wasaaradda Amniga Jubbaland Jaamac Axmed Cali Joofane, wuxuuna ka warbixiyay muhiimadda shirka oo lagu soo koobay qodobada hoose.

- Advertisement -

1-In la joogteeyo shirarka amniga si xogta amnigu u noqoto mid xilligeeda la helo loona bedelo ficil.

2-In si deg deg ah wax looga qabto sicir bararka baahsan ee hadda jira, guddina loo saaro sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha macayshadda ee kor u kacay.

3-In wasaaradda Arrimaha gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalku ay qabato shirar lagu xallinayo khilaafaadka bulshada kala gaaray ee ka dhashay loolanka doorashada.

4-In laamaha amnigu ay Wasaaradda Caddaaladda garab ka siiyaan la-dagaalanka mukhaadaraadka iyo anshax xumada ka dhacda xeebaha loo dalxiis tago ee magaalada Kismaayo.

Latest stories