HomeWararCiidanka Dowladda oo fuliyay howlgal lagu soo saaray Miinooyin lagu aasay wado

Ciidanka Dowladda oo fuliyay howlgal lagu soo saaray Miinooyin lagu aasay wado

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ciidamada dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Ururka 64-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa howlgalo ka dhan ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab waxaa ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ciidamada ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyey tuulooyinka kala ah tabeelaha sagaroole, ramakulow iyo tuulooyin hoostega deegaanka Warmaxan ee Gobolka Shabeellaha […]

- Advertisement -

Ciidamada dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Ururka 64-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa howlgalo ka dhan ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab waxaa ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyey tuulooyinka kala ah tabeelaha sagaroole, ramakulow iyo tuulooyin hoostega deegaanka Warmaxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Al-shabaab.

- Advertisement -

Intii uu howlgalka socday ayaa Ciidanka Xoogga waxaa ay ku soo saareen Miinooyiin la sheegay in Al-shabaab ay ku aaseen hareeraha wadada isku xirta War-maxan iyo degmada Wanla-weyn, isla markaana la doonayey in lagu waxyeeleeyo dadka.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay oo uu ku jiray Taliyaha Ururka 64-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayey amniga deegaano ka tirsan Gobolka.

Si kastaba Ciidamada Xoogga dalka ayaa marar kala duwan oo horey sidaan oo kale waxaa ay howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab, sidoo kalena lagu soo saaray miinooyin uga sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose oo ah Gobolka ugu amniga xun Koonfur Galbeed.

Latest stories