HomeCaalamkaBangiga Horumarinta Afrika oo shaaciyay Lacagta uu u qoondeeyay mashaariicda Afrika

Bangiga Horumarinta Afrika oo shaaciyay Lacagta uu u qoondeeyay mashaariicda Afrika

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Bangiga Horumarinta Afrika ee AfDB ayaa xaqiijiyay lacag dhan 32.8 bilyan oo doolar oo lagu maalgelinayo mashaariicda qaaradda Afrika, sida uu guddoomiyaha bangigaas ka sheegay xiritaanka shir uu la yeeshay maalgashadayaasha. Heshiiskii ugu weynaa ee lagu xaqiijiyey Madasha Maalgashiga Afrika oo saddex maalmood socotay ayaa ahaa $15.6 bilyan oo doollarka oo loogu talagalay waddada isku […]

- Advertisement -

Bangiga Horumarinta Afrika ee AfDB ayaa xaqiijiyay lacag dhan 32.8 bilyan oo doolar oo lagu maalgelinayo mashaariicda qaaradda Afrika, sida uu guddoomiyaha bangigaas ka sheegay xiritaanka shir uu la yeeshay maalgashadayaasha.

Heshiiskii ugu weynaa ee lagu xaqiijiyey Madasha Maalgashiga Afrika oo saddex maalmood socotay ayaa ahaa $15.6 bilyan oo doollarka oo loogu talagalay waddada isku xirta Lagos iyo Abidjan, taas oo isku xirta Galbeedka Afrika ee labada magaalo ee waaweyn ee dalalka Nigeria iyo Ivory Coast, sida uu Khamiistii sheegay guddoomiyaha AfDB Akinwumi Adesina.

- Advertisement -

Waddadan oo qiyaastii 1,200 kiilo mitir ah waxay yeelan doontaa afar ilaa lix haad, iyada oo lagu dhammeeyn doono qiyaastii lix sano gudahood.

“Afrika waa qaarad aad looga faa’iidi karo. Waxaan soo marnay waqtiyo adag sababo la xiriira COVID-19, laakiin hadda waxaan ku jirnaa soo kabasho. Afrika waxay u soo noqotay maalgashi.” ayuu yiri Adesina.

Mashaariicdan, waxaa sidoo kale qeyb ka ah horumarinta beeralayda, wax soo saarka beeraha, waxbarashada, tamarta, daryeelka caafimaadka, macdanta iyo tignoolajiyada Isgaarsiinta.

Latest stories