HomeWararWafdi ka socday Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo gaaray Magaalada Garoowe

Wafdi ka socday Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo gaaray Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa Maanta gaaray wafdi ka socday Guddiga doorashooyinka heer Federaal, kuwaasi oo soo dhaweyn loogu sameeyay Garoonka diyaaradaha Magaalada. Ujeedka wafdiga Guddiga ee Garoowe ayaa waxaa uu yahay sidii ay goobjoog uga noqon lahaayeen doorashada kuraasta ugu dambeeysa Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda […]

- Advertisement -

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa Maanta gaaray wafdi ka socday Guddiga doorashooyinka heer Federaal, kuwaasi oo soo dhaweyn loogu sameeyay Garoonka diyaaradaha Magaalada.

Ujeedka wafdiga Guddiga ee Garoowe ayaa waxaa uu yahay sidii ay goobjoog uga noqon lahaayeen doorashada kuraasta ugu dambeeysa Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ee taalla Magaalada Garoowe.

- Advertisement -

Afhayeenka Guddiga doorashada Axmed Safiina oo qeyb ka ah xubnaha tegay Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in maalinta berri lasoo gaba –gabeynayo doorashada Golaha Shacabka ee dowlad Goboleedka Puntland, isla markaana ay goobjoog ka noqon doonaan.

“Alxamdu lilaah aniga iyo walaalkay C/Wali Maxamuud Cilmi oo ka wakiila ah GHDHF waxa aanu nabad qab ku soo gaadhnay Caasimada Puntland ee Garoowe oo aanu bari hadii Rabbi idmo aanu kusoo khatimayno dhamman doorashada kuraastii Puntland, Allaa Mahad Leh” ayuu yiri Amb Axmed Safiina.

Maalinta berri  oo jimco ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Garoowe ka dhacdo doorashada kuraasta ugu dambeeysa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxaana dhaceysa doorashada 6 kursi oo ku harsan Maamulka Puntland.

Latest stories