HomeWararMareykanka oo kordhiyay tirada Madaxda Soomaalida ah ee uu xayiraada kusoo rogay

Mareykanka oo kordhiyay tirada Madaxda Soomaalida ah ee uu xayiraada kusoo rogay

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Dowladda Mareykanka ayaa ballaarisay tirada dadka Soomaalida ah ee lagu soo rogay xayiraadaha fiisaha, kadib markii dhawaan Mareykanka uu xayiraad kusoo saaray Madaxda Soomaalida oo eed loo jeediyay. Mareykanka ayaa Madaxda Soomaalida ee uu xayiraada saaray ku eedeeyay wiiqista hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya, sida uu ku dhawaaqay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken Arbacadii shalay aheyd. Tallaabadan […]

- Advertisement -

Dowladda Mareykanka ayaa ballaarisay tirada dadka Soomaalida ah ee lagu soo rogay xayiraadaha fiisaha, kadib markii dhawaan Mareykanka uu xayiraad kusoo saaray Madaxda Soomaalida oo eed loo jeediyay.

Mareykanka ayaa Madaxda Soomaalida ee uu xayiraada saaray ku eedeeyay wiiqista hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya, sida uu ku dhawaaqay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken Arbacadii shalay aheyd.

- Advertisement -

Tallaabadan ayaa timid kadib markii uu mar kale dib u dhac ku yimid dhameystirka doorashada Golaha Shacabka, iyadoo dhinaca kale Maraykanku aanu weli shaacin magacyada shakhsiyaadka la cunaqabateeyey.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dhawaan ku heshiiyay in doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka lagu soo gaba-gabeeyo 15-kii bishaan Maarso, hayeeshee dib u dhac kale ayaa ku yimid waqtigaas lagu heshiiyay.

Maamulada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Galmudug oo kaliya ayaa soo gaba-gabeeyay doorashada Golaha Shacabka, halka weli aysan soo dhammeyn doorashada Puntland, Hirshabeelle iyo Jubbaland oo deegaan doorashada labaad ay ka jirto caqabad adeg.

Latest stories