HomeWararCiidamada Puntland oo howlgal kula wareegay Saldhigyo ay lahayeen Al-shabaab

Ciidamada Puntland oo howlgal kula wareegay Saldhigyo ay lahayeen Al-shabaab

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ciidamada Daraawiishta dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii dhaafay waxaa ay howlgalo qorsheysan oo ka dhan ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab ka sameeyeen deegaano ka tirsan Buuraleyda silsiladda Golis ee Gobolka Bari ee Maamulkaas. Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in howlgalka inta uu socday uu iska horimd dhexmaray Ciidanka Maamulka Puntland iyo Al-shabaab, isla markaana iska […]

- Advertisement -

Ciidamada Daraawiishta dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii dhaafay waxaa ay howlgalo qorsheysan oo ka dhan ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab ka sameeyeen deegaano ka tirsan Buuraleyda silsiladda Golis ee Gobolka Bari ee Maamulkaas.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in howlgalka inta uu socday uu iska horimd dhexmaray Ciidanka Maamulka Puntland iyo Al-shabaab, isla markaana iska horimaadka uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

- Advertisement -

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka Daraawiishta ayaa laga soo xigtay in weerar ku qaadeen Saldhigyo Shabaabka uga sugnaayeen buureleyda Dhagax-dhaabur iyo Habar-hagoogan ee silsiladda Golis gaar ahaan Galgala, ayna qabsadeen Saldhigyo halkaas uga sameeysnaa Al-shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa intaas kusii dartay in weli howlgalka uu socdo, isla markaana uu jiro khasaaro lagu gaarsiiyay Shabaabka, waa sida hadalka u dhigeen Saraakiisha oo aan faah faahin intaas ka badan ka bixin howlgalka la fuliyay.

Ciidamada Daraawiishta dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhowr jeer oo horey howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab sidaan oo kale uga sameeyay deegaano ka tirsan Buuraleyda silsiladda Golis ee Gobolka Bari, iyadoona dhinacyada ay dhexmareen dagaalo khasaaro kala duwan dhaliyey.

Latest stories