HomeWararWaqtiga dhaarinta Xildhibaanada Labada Gole oo la shaaciyay

Waqtiga dhaarinta Xildhibaanada Labada Gole oo la shaaciyay

Date:

Related stories

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somalis Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa soo saaray jadwalka soo xareynta xildhibaanada la doortay ee baarlamaanka 11-aad, iyadoo la qorsheeyey in ugu dambeyn 14-04-2022, la qabto xafladda dhaarinta xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka dalka. Sida ku cad jadwalkaan 16-ka bishaan oo ku beegan Arbacada berrito illaa 23-ka bishaan ayaa la qorsheeyey in lasoo uruuriyo dukumintiyada Xildhibaannada […]

- Advertisement -

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa soo saaray jadwalka soo xareynta xildhibaanada la doortay ee baarlamaanka 11-aad, iyadoo la qorsheeyey in ugu dambeyn 14-04-2022, la qabto xafladda dhaarinta xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka dalka.

Sida ku cad jadwalkaan 16-ka bishaan oo ku beegan Arbacada berrito illaa 23-ka bishaan ayaa la qorsheeyey in lasoo uruuriyo dukumintiyada Xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka, iyadoo 24-ka ilaa 29-ka la qorsheeyey in la hubiyo dukumintiyadaas.

- Advertisement -

Inta u dhaxeysa 31-ka Maarso ilaa 4-ta bisha soo socota ee Abriil waxaa la qorsheeyey in la shaaciyo natiijada rasmiga ah ee doorashooyinkii baarlamaanka iyo in la soo xareeyo dhamaan Xildhibaannada labada Aqal.

5-ta Abriil ilaa 10-ka bishaas waxaa la qorsheeyey in shahaadada Xiildhibaanimada la siiyo dhamaan xubnaha la doortay ee labada Aqal.

11-ka bisha Abriil waxaa loo qorsheeyey inay dhacdo wareejinta galalka macluumaadka xildhibaanada labada Aqal.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii 14-ka Abriil xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa qabanaya xafladda dhaarinta xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka 11-aad, sida ku cad jadwalkaan caawa ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaal.

 

Latest stories