HomeWararAxmed Madoobe oo qaabilay Wafdi kasocday Beesha Caalamka

Axmed Madoobe oo qaabilay Wafdi kasocday Beesha Caalamka

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta aqalka martida ku qaabilay wafdi kasocday beesha Caalamka oo ay hogaaminaysay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tinna Intelmann, Waxaa kale oo wafdi kamid ahaa Safiirada dalalka Norway, Sweden, Netherlabds iyo hay’adaha kala duwan ee gargaarka. Madaxweynaha ayaa wakiiladan heerka caalamiga ah la wadaagay xaalada abaaraha ee […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta aqalka martida ku qaabilay wafdi kasocday beesha Caalamka oo ay hogaaminaysay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tinna Intelmann,

Waxaa kale oo wafdi kamid ahaa Safiirada dalalka Norway, Sweden, Netherlabds iyo hay’adaha kala duwan ee gargaarka.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa wakiiladan heerka caalamiga ah la wadaagay xaalada abaaraha ee Jubaland ka jira taas oo ay la qabto qeybaha kala ee dalka iyo marxaladaha ku gaarka ah.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in gurmadka gargaar ee hada loo baahan yahay uu yahay kii ugu muhiimsanaa ee lagu samata bixinayo dadweynaha ay abaartu saamaysay.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dadaalada socda ay u baahan yihiin kaalmo dheeraad ah isla markana ay jirto xaalad daran oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho gaar ahaan biyo yaraan daran oo Wali meelaha qaar ka jirta isla markana xoolaha iyo dadkuba ay la daala dhacayaan.

- Advertisement -

Xoolaha nool ayuu Madaxweynahu xusay in xalafkii ay u baahnayeen ayna helin taas oo sababtay in xoolo badan ay dhimanayaan bilihii lasoo dhaafay guud ahaan Jubaland.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa xusay in abaaraha iyo fatahaada soo noqnoqday ay yihiin kuwo u baahan xal waara oo guud ahaan dalka lagaga samata bixinayo.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid aadan qaar kamid ah golaha wasiirada gaar ahaan wasiirada gargaarka iyo biyaha iyo Masuuliyiin kale.

Latest stories