HomeWararAkhriso:-Nuxurka Khudbaddii Muuse Biixi ka jeediyay Washington

Akhriso:-Nuxurka Khudbaddii Muuse Biixi ka jeediyay Washington

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu xalay jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa. Khudbadad madaxwaynaha uu xalay ka jeediyay kulan uu soo qabanqaabiyay machadka The heritage Foundation ee dalka Mareykanka ayuu waxaa uu si wayn uga warbixiyay maraxaldihii ay Soomaaliland soo martay iyo caqabadihii ay ka soo gudubtay. Mr Biixi ayaa dhanka kale sheegay […]

- Advertisement -

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu xalay jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa.

Khudbadad madaxwaynaha uu xalay ka jeediyay kulan uu soo qabanqaabiyay machadka The heritage Foundation ee dalka Mareykanka ayuu waxaa uu si wayn uga warbixiyay maraxaldihii ay Soomaaliland soo martay iyo caqabadihii ay ka soo gudubtay.

- Advertisement -

Mr Biixi ayaa dhanka kale sheegay in wadahadaladii u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya ay guul dareysteen ayna tahay in laga socdo.

“Iyada oo ay jiren 9 wareeg oo wadahadalo ah laga soo bilaabo 2012 ilaa 2022, natiijadii laga sugayay wadahadalada oo ahaa in lagu xaliyo hal qodob oo ahaa midka muranka dhaliyay kaasi oo ahaa meeqaamka soomaliland wax natiijo ah lagama gaarin, taa badalkeeda Somaaliya waxa ay wadaxaajodyada u isticmaashay in ay qaadato siyaasado lagu wiiqayo madaxbanaanida iyo xasiloonida somaliland,” ayuu yiri Mr Biixi.

Madaxwayne Biixi ayaa eeda guuldarada wadaxaajoodyad u xambaariyay madaxda dowladda fedraalka ee Soomaaliya.

- Advertisement -

“Marka Somaliland waxay rumeysan tahay in wadaxaajoodyada lagu guul dareystay in lagu gaaro hadafyadii looga gol lahaa, eeda guuldarada waa mid guud ahaan dusha u saaran Soomaaliya iyaga oo galiyay dadaalo lagu minja-xaabinayo wadaxaajoodyada taasi waxay ka muuqataa ficiladooda guracan” ayuu yiri madaxwayne Biixi” ayuu intaa ku daray.

Madaxwaynaha Somaliland oo sidoo kale wax laga waydiiyay duullaanka Ruushka ee Ukraine ayaa sheegay in dhibaatada ay hada ku jiraan dadka reer Ukraine ay horey u soo mareen ayna ka xun yihiin waxa ku dhacaya.

Latest stories