HomeWararVilla Somalia oo War kasoo saartay geeridii ku timid Wiil caan ka...

Villa Somalia oo War kasoo saartay geeridii ku timid Wiil caan ka ahaa Baraha Bulshada

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirty ehelka, qaraabada, asxaabta iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Marxuum Ismaaciil Maxamuud Shidane oo maanta ku geeriyoodey magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Marxuum Ismaaciil Maxamuud Shidane, uu ka mid ahaa dhallinyarada firfircoon ee ka soo laabatay dalka dibaddiisa, […]

- Advertisement -

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirty ehelka, qaraabada, asxaabta iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Marxuum Ismaaciil Maxamuud Shidane oo maanta ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Marxuum Ismaaciil Maxamuud Shidane, uu ka mid ahaa dhallinyarada firfircoon ee ka soo laabatay dalka dibaddiisa, isaga oo door weyn ka qaadan jiray wacyigelinta bulshada iyo hawlaha isxilqaanka ee dib loogu dhisayey dalka.

- Advertisement -

Warar la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Marxuum Ismaciil Maxamuud uu maalmihii dambe ku xanuunsanayey Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, isla markaana xanuunkii haayay uu Isbitaalka ugu geeriyooday Maanta oo Axad ah.

Ismaciil Maxamuud Shidane oo loo yaqaanay Guddoomiyaha dhalinyarada Nabad iyo Nolol ayaa waxaa uu caan ku ahaa inuu baraha Bulshada ku taageeri jiray dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidoo kalena geli jiray Live Facebook.

Baraha Bulshada ku xiriirto gaar ahaan Facebook ayaa waxaa hareeysay tacsi loo dirayo Marxuum Ismaciil Maxamuud, qoyskiisa iyo Asxaabtii uu ka baxay.

Latest stories