HomeWararTirada qoysaska Soomaalida ah ee Sweden carruurta looga qaatay oo korortay

Tirada qoysaska Soomaalida ah ee Sweden carruurta looga qaatay oo korortay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Dalka Sweden ayaa waxaa isa soo taraya tirada qoysaska laga qaato carruurta, waxaana sanad kasta hay’adda maareysaa carruurta ay waalidkood kala wareegtaa ugu yaraan 1000, iyadoona qoysaska carruurta laga qaato ay ku jiraan Soomaalida dalkaas. 21-kii bishii December ee sannadkii 2021 daraasad lagu sameeyey Sweden ayaa lagu ogaaday in qoysaska carruurta sida khasabka ah looga […]

- Advertisement -

Dalka Sweden ayaa waxaa isa soo taraya tirada qoysaska laga qaato carruurta, waxaana sanad kasta hay’adda maareysaa carruurta ay waalidkood kala wareegtaa ugu yaraan 1000, iyadoona qoysaska carruurta laga qaato ay ku jiraan Soomaalida dalkaas.

21-kii bishii December ee sannadkii 2021 daraasad lagu sameeyey Sweden ayaa lagu ogaaday in qoysaska carruurta sida khasabka ah looga qaato waalidkood ay u badan yihiin dadka muhaajiriinta ah ee dalkaas ku nool marka la barbar dhigo qoysaska u dhashay dalka.

- Advertisement -

Sababta keenta in waalidiinta carruurta looga qaato gudaha dalka  Sweden ayaa aaneynayaan in dadka muhaajiriinta ee soo galootiga ah ay diidaan caawimo ay addeeggyada caruurtu bixiyaan.

Xasan Deri oo ah qareen la shaqeeya waalidka Carruurta laga qaato oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay in sababta waalidiinta Carruurtooda sida khasabka ah looga qaato ay tahay in waalidka ay carruurta u geystaan Jir-jil muuqda iyo kuwa Maskaxda ah intaba.

Wuxuu intaas kusii daray qareen Xasan Deri in sidoo kale qoysaska ay Soomaalida ku jiraan carruurta yaryar looga qaato dayac ay ku sameeyaan carruurtooda oo ay siin waayan adeegyada ay u baahan yihiin, isagoona xusay arrintaas dowladda ay kala socoto Iskuulada ay dhigtaan carruurta oo Warbixino laga siiyo.

Latest stories