HomeWararPuntland oo gacanta ku dhigtay Nin hore Maxkamad u xukuntay isaga oo...

Puntland oo gacanta ku dhigtay Nin hore Maxkamad u xukuntay isaga oo maqane ah

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolkaas ayaa gacanta ku dhigay Mowliid Maxamuud Nuur oo ku magac dheer ina caano Boore, kaasi oo lagu eedeeyay inuu si bareer ah u dilay laba qof oo shacab ah. Taliska Booliska Mudug ayaa waxaa sheegeen in Eedeysane Mowliid Maxamuud Caano Boore inuu gacantiisa ku dillay […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolkaas ayaa gacanta ku dhigay Mowliid Maxamuud Nuur oo ku magac dheer ina caano Boore, kaasi oo lagu eedeeyay inuu si bareer ah u dilay laba qof oo shacab ah.

Taliska Booliska Mudug ayaa waxaa sheegeen in Eedeysane Mowliid Maxamuud Caano Boore inuu gacantiisa ku dillay labo Marxuum oo magacyadoodu kala yihiin Axmed Raawe iyo Maxamud Siciid Muuse oo kamid ahaa dadka deegaanka Gaalkacyo.

- Advertisement -

Mowliid Caano Boore oo in mudo ah ka mid ahaa dadka lagu raadjoogay ayaa waxaa mar sii horeysay isaga oo ka maqan gacanta laamaha Amniga xukun ku riday Maxkamda darajada koowaad ee Gobolka Mudug kadib markii lagu Eedeeyay inuu ka mid yahay dadka ka ganacsan jiray maandooriyaha Khamriga.

Ugu dambeyntii Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa galinkii dambe ee shalay ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan Eedeysane Mowliid Caano-boore oo horey u dilay laba qof oo shacab ahaa, sidoo kalena xukun lagu riday isaga oo maqanaa ahaa.

Latest stories