HomeWararMadaxweynaha Puntland iyo QM oo ka wada hadlay dhameytirka Doorashada socota

Madaxweynaha Puntland iyo QM oo ka wada hadlay dhameytirka Doorashada socota

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa Maanta oo Axad ah gaaray wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo ay hoggaamineysay Anita Kiki Gbeho oo ah ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya. Madaxweynah Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay, Weftiga  hoggaaminayso  Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah […]

- Advertisement -

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa Maanta oo Axad ah gaaray wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo ay hoggaamineysay Anita Kiki Gbeho oo ah ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynah Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay, Weftiga  hoggaaminayso  Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho.

- Advertisement -

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Arrimaha gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka oo mareysa heer gaba-gabo, sidii xal looga gaari lahaa caqabadaha harsan ee weli horyaalla doorashada iyo Abaaraha.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo kulanka ka hadlaayay ayaa waxaa uu sheegay in wafdiga Qaramada Midoobay kala hadleen dhameytirka doorashada Golaha Shacabka ee gaba-gabada mareysa iyo sidii loogu gudbi lahaa caqabadaha dhiman ee doorashada.

Wafdiga uu maanta qaabilay Madaxweynuhu ayaa waxaa ka mid ah Wakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Tiina Intelmann, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Ku-xigeenkiisa Fiona Lortan iyo Ibraahim Mohamed Abdi oo ka socda IGAD.

Latest stories