HomeWararDoorashada saddex kursi oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Gaalkacyo

Doorashada saddex kursi oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Gaalkacyo

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Waxaa Maanta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Gaalkacyo. Doorashada saddexda kursi oo saacadaha soo socda bilaabaneysa ayaa waxaa ku tartamaya dhowr Musharax oo loo diiwaan-geliyay inay ku tartamaan doorashada kuraastaas […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Gaalkacyo.

Doorashada saddexda kursi oo saacadaha soo socda bilaabaneysa ayaa waxaa ku tartamaya dhowr Musharax oo loo diiwaan-geliyay inay ku tartamaan doorashada kuraastaas Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

- Advertisement -

Kursiga Hop#069 ayaa waxaa sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, waxaana la filayaa inuu isaga mar kale Maanta uu kusoo baxo doorashada kursigaas oo uu ka tanaasulay C/raxmaan Alcadaala.

Kursiga Hop#038 ayaa waxaa ku tartamaya shan Musharax oo kala ah Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe), Aadan Warsame Cilmi, Maxamed Cabdi Faarax, Saciid Daahir Shiiq Maxamed iyo Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan.

Kursiga Hop#095 ayaa waxaa ku tartamaya Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Cabdikariin Khaliif Cabdi (Dhalac) oo kursigaan ku fadhiya iyo Saddex Musharrax oo kala ah Maxamuud Kudun Xiimaa, Maxamed Saciid Faarax iyo Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud.

Latest stories