HomeWararCabdiraxmaan Odawaa oo mar kale loo doortay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11-aad

Cabdiraxmaan Odawaa oo mar kale loo doortay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11-aad

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Waxaa goordhow Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kusoo dhammaatay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP069 Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Doorashada kursigan ayaa waxaa ku tartami lahaa Musharax lagu magacaabo Maxamed Axmed Xoosh iyo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo sanadihii lasoo ku fadhiyey kursigaas, waxaana inta aysan bilaaban doorashada ka haray Maxamed […]

- Advertisement -

Waxaa goordhow Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kusoo dhammaatay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP069 Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada kursigan ayaa waxaa ku tartami lahaa Musharax lagu magacaabo Maxamed Axmed Xoosh iyo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo sanadihii lasoo ku fadhiyey kursigaas, waxaana inta aysan bilaaban doorashada ka haray Maxamed Xoosh.

- Advertisement -

Ergada doorashada kursigaan ayaa qaab gacan taag ah ugu coddeeyay Cabdiraxmaan Odawaa oo markale loo doortay inuu noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, kadib markii uu tartanka doorashada ka tanaasulay Musharax Maxamed Axmed Xoosh.

Guddiga doorashada Galmudug oo ku dhawaaqay Natiijada doorashada ayaa shaaciyay in Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa uu ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP069 Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada kursiga HOP069 ayaa waxaa horey ugu tanaasulay Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala, wuxuuna si hordhac ugu sii hambalyeeyay Odawaa oo Maanta la doortay.

Latest stories