HomeWararSaraakiisha Dowladda oo sheegay in la burburiyey Saldhig ay lahaayeen Al-shabaab

Saraakiisha Dowladda oo sheegay in la burburiyey Saldhig ay lahaayeen Al-shabaab

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Ciidanka Xooggga dalka gaar ahaan Guutada 7-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal ballaaran oo ka dhan ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ciidamada dowladda oo howlgalka si gaar ah kaga fuliyay deegaanka Jambaluul ayaa ku bur buriyay saldhigii Al-Shabaab halkaas ku lahaayeen, sidoo kalena ay burburiyeen […]

- Advertisement -

Ciidanka Xooggga dalka gaar ahaan Guutada 7-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal ballaaran oo ka dhan ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada dowladda oo howlgalka si gaar ah kaga fuliyay deegaanka Jambaluul ayaa ku bur buriyay saldhigii Al-Shabaab halkaas ku lahaayeen, sidoo kalena ay burburiyeen goob ay ku sugnaayeen Shabaabka, waa sida hadalka loo dhigay.

- Advertisement -

Sidoo kale, Ciidamada ayaa howlgalo kale ka sameeyay Tuulooyinka kala ah, Banana, Sardhagool iyo wadada Xariirisa Afgooye iyo degmada Balcad, waxaana howlgalkaas hoggaaminayey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga gaar ahaan kuwa Guutada 7-aad qeybta 60-aad.

Saraakiisha ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu ahaa mid lagu doonayey in lagu xaqiijiyo amniga deegaanada howlgalka laga sameeyay ee ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hiowlgaladan ayaa lagu tilmaamay inay qeyb ka yihiin howlgalada ay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Latest stories