HomeWararMadaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay geeridii ku timid Xildhibaan Kuulow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay geeridii ku timid Xildhibaan Kuulow

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay geeridii ku timid Xildhibaan Maxamed Muxumed Kuulow oo ahaa Xildhibaanada cusub ee lagu doortay Magaalada Kismaayo. Sheekh Shariif ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan iyo qoyskiisa oo uu ka baxay Xildhibaan Maxamed Kuulow oo […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay geeridii ku timid Xildhibaan Maxamed Muxumed Kuulow oo ahaa Xildhibaanada cusub ee lagu doortay Magaalada Kismaayo.

Sheekh Shariif ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan iyo qoyskiisa oo uu ka baxay Xildhibaan Maxamed Kuulow oo gelinkii dambe ee shalay la xaqiiyay inuu ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

- Advertisement -

“Allaha u naxariisto Xildhibaan Maxamuud Muxumed Kuulow oo ka mid ahaa Xildhibaanadii lagu doortay magaalada Kismaayo, Waxaan ugu tacsiyaynayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskiisa iyo deegaankii uu matalayay” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ka hadlaayay geerida ku timid Xildhibaanka.

Qaar kamid ah ehelada Marxuum Maxamed Muxumed Kuulow ayaa xaqiijiyay geerida Xildhibaanka, waxaana Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa hotel ku yaalla Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya halkaas oo maalmihii dambe ku sugnaa.

Allaha u naxaristee Xildhibaan Maxamuud Muxumed Cumar ( Kuulow) ayaa 22-kii bishii dhamaatay ee Febraayo lagu doortay magaalada Kismaayo, waxa uuna ninkan kamid ahaa xubno aad ugu dhawaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Latest stories