HomeWararJadwalka Doorashada kuraasta ugu dambeysa ee taalla Magaalada Baydhabo oo la shaaciyay

Jadwalka Doorashada kuraasta ugu dambeysa ee taalla Magaalada Baydhabo oo la shaaciyay

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada kuraasta ugu dambeysa Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ee taalla Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo Qoraal soo saaray ayaa sheegay inay qabanayaan doorashada 7-da kursi ee ugu dambeysa doorashada Golaha Shacabka, isla markaana qabashada Guddiyada soo xulaya […]

- Advertisement -

Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada kuraasta ugu dambeysa Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ee taalla Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo Qoraal soo saaray ayaa sheegay inay qabanayaan doorashada 7-da kursi ee ugu dambeysa doorashada Golaha Shacabka, isla markaana qabashada Guddiyada soo xulaya ergada ay bilaabaneyso maalinta oo sabti ah.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddiga doorashada ayaa caddeeyay in diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa kuraasta ay bilaabaneyso 14-ka bishaan Maarso oo ku beegsan maalinta talaadada ah ee todobaadkan, iyadoona isla maalintaas shahaadada la siinayo.

Ugu dambeyn doorashada todobada kursi ee Golaha Shacabka ee lagu soo gaba-gabeeynayo doorashada Golaha Shacabka Koonfur Galbeed ayaa la qaban doonaa 15-ka bishaan oo ku eg waqtigii lagu heshiiyay in lagu dhammeeyo doorashada socota.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Lafta-gareen ayaa noqon doona mamulkii ugu horreeyay ee soo gaba-gabeeya doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Latest stories