HomeWararGuddiga Doorashada Hirshabeelle oo shaaciyay Doorashada afar kursi oo hor leh

Guddiga Doorashada Hirshabeelle oo shaaciyay Doorashada afar kursi oo hor leh

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay qabashada doorashada afar kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka harsan ee taalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle. Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada ayaa lagu sheegay inay qabanayaan doorashada afar kursi oo ah kuwo adeg, isla markaana sanadihii lasoo dhaafay ay ku fadhiyeen Xildhibaano […]

- Advertisement -

Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay qabashada doorashada afar kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka harsan ee taalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada ayaa lagu sheegay inay qabanayaan doorashada afar kursi oo ah kuwo adeg, isla markaana sanadihii lasoo dhaafay ay ku fadhiyeen Xildhibaano Mucaarad ku ah dowladda Madaxweyne Farmaajo.

- Advertisement -

Guddiga ayaa caddeeyay in qabashada ergada iyo diiwaan-gelinta Musharaxiinta kuraasta lasoo saaray ay bilaabaneyso maalinta berri oo Axad ah, isla markaana maalinta Isniinta oo ay taariikhdu tahay 14-ka Maarso la qaban doono doorashada kuraasta, waxaana kuraasta ku kala fadhiyey.

1-Kursiga HOP#004 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Maxamed Xasan Qoone.

2-Kursiga HOP#011 ayaa waxaa sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyey Maxamed Cumar Maxamed oo mar soo noqday Wasiirkii hore ee amniga Xukuumadda Soomaaliya.

- Advertisement -

3-Kursiga HOP#063 ayaa waxaa ku fadhiyey Cabdullaahi Goodax Barre oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.

4-Kursiga HOP#135 ayaa waxaa sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiday Aamina Maxamed Cabdi.

Latest stories