HomeWararCabdiraxmaan Alcadaala oo ka haray tartanka kursiga HOP069 oo ku fadhiyo Odawaa

Cabdiraxmaan Alcadaala oo ka haray tartanka kursiga HOP069 oo ku fadhiyo Odawaa

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala ayaa shaaciyay inuu ka haray tartanka doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP069 Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka. Qoraal uu soo saaray Cabdiraxmaan Alcadaala ayuu si hordhac ah ugu sii hambalyeeyay Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyey kursiga HOP069 Golaha Shacabka, […]

- Advertisement -

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala ayaa shaaciyay inuu ka haray tartanka doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP069 Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Qoraal uu soo saaray Cabdiraxmaan Alcadaala ayuu si hordhac ah ugu sii hambalyeeyay Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyey kursiga HOP069 Golaha Shacabka, isla markaana haatan u sharaxan kursigiisa uu ku fadhiyey.

- Advertisement -

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii mudada labada sanno aheyd ee kala shaqeynayey ololaha uu ugu jiray tartanka kursiga Golaha Shacabka iyo taageerayaashiisa kala duwan ee dhanka Warbaahinta.

“Waxaan halkaan uga hambalyaynayaa Adeerkeey Abdurahman Mohamed Hussein oo noqonaya Xildhbaanka I matalidoona afarta Sano ee soo socota insha allaah. Waxaan umahadcelinayaa dhamaan saaxiibadii mudada ka badan labada Sano igala shaqaynayay Ololahayga.Waxaan kale oo u mahadcelinayaa dhamaan taageerayaashayda kala duwan oo aan leeyahay waad mahadsantihiin” ayuu yiri Cabdiraxmaan Alcadaala.

Wuxuu intaas kusii daray Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda oo Qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay “wuu soconayaa insha allaah. Dhamaanteen waan guulaysanay. Gacmaha ayaan isqabsanaynaa horay ayaanan usoconaynaa insha allaah”.

- Advertisement -

Doorashada kursiga HOP069 Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu wadaa inay Magaalada Gaalkacyo ka dhacdo maalinta berri oo Axad ah, waxaana kursigaas kusoo baxaya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyey.

Latest stories