HomeWararMuwaadiniin Soomaaliyeed oo Dilal loogu geystay gudaha Koonfur Afrika

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Dilal loogu geystay gudaha Koonfur Afrika

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa ay habeenkii xalay aheyd gudaha dalkaas ku dileen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dhallinyarada ugu caansan tuulooyin hoostega Magaalada Cape Town ee dalkaas. Muwaadiniinta la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cali Abuukar iyo Deeq Hashuumi, isla markaana waxaa siyaabooyin kala duwan loogu dilay tuulooyin […]

- Advertisement -

Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa ay habeenkii xalay aheyd gudaha dalkaas ku dileen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dhallinyarada ugu caansan tuulooyin hoostega Magaalada Cape Town ee dalkaas.

Muwaadiniinta la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cali Abuukar iyo Deeq Hashuumi, isla markaana waxaa siyaabooyin kala duwan loogu dilay tuulooyin hoostega Magaalooyinka Pretoria iyo Cape Town.

- Advertisement -

Meydadka laba Muwaadin ayaa waxaa goobaha lagu kala dilay ka qaaday Dad Soomaali ah, waxaana baxsaday burcadii hubeysneyd ee falalkaas ka dambeeysay, kuwaasi oo la sheegay inay dhac u geysanayeen Cali Abuukar iyo Deeq Hashuumi.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika ayaa durbo tagay halka uu dilka ka dhacay, iyagoona sheegay inay wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan burcada, mana jiro wax natiijo ah oo kasoo baxay howlgalkaas.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal dilal iyo boob loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaas ku leh goobaha Ganacsi, mana jirto cid iska xirtay sidii wax looga qaban lahaa dilalka loo geysanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas kunool.

Latest stories