HomeWararMadaxweyne Axmed Madoobe oo War kasoo saaray geeridii ku timid Xildhibaan Kuulow

Madaxweyne Axmed Madoobe oo War kasoo saaray geeridii ku timid Xildhibaan Kuulow

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa guud ahaan Ummada Soomaaliyeed, bulshada Jubbaland iyo qoyskii uu ka baxay uga tacsiyeeyay geerida AUN Xildhibaan Maxamuud Muxumed Kuulow, oo galabta ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu kamid ahaa bulshada dadka waxgalka u ah ee kasoo qeyb qaatay shaqooyin  badan […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa guud ahaan Ummada Soomaaliyeed, bulshada Jubbaland iyo qoyskii uu ka baxay uga tacsiyeeyay geerida AUN Xildhibaan Maxamuud Muxumed Kuulow, oo galabta ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu kamid ahaa bulshada dadka waxgalka u ah ee kasoo qeyb qaatay shaqooyin  badan oo ay ugu muhiimsan yihiin arimaha bulshada oo door muuqda uu ku lahaa isagoo kamid ahaa dadka sida weyn u garab istaagay Dowladnimada Jubaland wakhtigiisa iyo maalkiisana u huray.

- Advertisement -

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in marxuumku dhawaan loo doortay Mid kamid ah kuraasta Baarlamaanka JFS ee dhawaan doorashadoodu ay ka dhacday Jubaland.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu si gaar ah tacsi ugu diray eheladii iyo qaraabadii uu marxuumku uu ka baxay isagoo alle uga baryay inuu janadii fardowso ka waraabiyo.

Meydka AUN Xildhibaan Maxamuud Muxumed Kuulow ayaa galabta laga helay qol uu ka deganaa hotel ku yaalla Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, waxaana dhawaan lagu doortay Magaalada Kismaayo

Latest stories