HomeWararMadaxweynaha Puntland oo booqday dhaawacyada Askar gashay shil Gaari

Madaxweynaha Puntland oo booqday dhaawacyada Askar gashay shil Gaari

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay Isbitaalka ku booqday Ciidamo ka tirsan Daraawiishta  gaar ahaan Ururka Afraad ee Dayax oo dhowaan ku dhaawacmay shil gaari oo ay ku galeen inta u dhexeysa Qardho iyo Garoowe. Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa uu warbixin ka dhegaystay dhakhaatiirta gacanta ku haysa askarta dhaawaca ah, wuxuuna xaal wareystay […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay Isbitaalka ku booqday Ciidamo ka tirsan Daraawiishta  gaar ahaan Ururka Afraad ee Dayax oo dhowaan ku dhaawacmay shil gaari oo ay ku galeen inta u dhexeysa Qardho iyo Garoowe.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa uu warbixin ka dhegaystay dhakhaatiirta gacanta ku haysa askarta dhaawaca ah, wuxuuna xaal wareystay iyaga oo uga Warbixiyay Madaxweynaha xaaladda Caafimaad ee Askarta.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu faray masuuliyiinta ay khuseyso in xil la iska saaro daaweynta Askarta ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxweynaha ee dhaawacyada soo gaareen.

Booqashada waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Ugu yaraan 6 Askari ayaa ku geeriyootay, halka  5 kalen ay ku dhaawacmeen Shil gaari oo maalmo kahor ka dhacay inta u dhexeysa Qardho iyo Garoowe, waxaana dhammaantood Askarta waxyeelada soo gaartay ay ahaayeen Ciidanka Ilaalada Madaxweyne Saciid Deni.

- Advertisement -

 

Latest stories