HomeWararGalmudug oo dib u dhigtay Doorashada kuraas uu ku jiro kursiga C/raxmaan...

Galmudug oo dib u dhigtay Doorashada kuraas uu ku jiro kursiga C/raxmaan Odawaa

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaacisay inay dib u dhigtay doorashada saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Gaalkacyo. Qoraal kasoo baxay Guddiga saqdii dhexe ee xalay ayaa waxaa lagu sheegay marka hore in Guddiga uu dib u dhigay shaacinta Guddiga xulista ergada kuraasta HOP#095, HOP#038  HOP#069, […]

- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaacisay inay dib u dhigtay doorashada saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Gaalkacyo.

Qoraal kasoo baxay Guddiga saqdii dhexe ee xalay ayaa waxaa lagu sheegay marka hore in Guddiga uu dib u dhigay shaacinta Guddiga xulista ergada kuraasta HOP#095, HOP#038  HOP#069, lana shaacin doono Maanta oo jimco ah, sida uu qorshahu yahay.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddiga doorashada Galmudug ayaa caddeeyay in diiwaang-elinta iyo shahaado siinta Musharixiinta saddexda kursi ee Golaha Shacabka laga dhigay maalinta sabtida oo ay taariikhda ku beegan tahay 12/03/2022.

Ugu dambeyn Guddiga doorashada Galmudug ayaa sheegay in doorashada saddexdaas kursi la qaban doono maalinta Axadda 13-ka bishaan Maarso 2022, waxaana doorashada ay ka dhaceysaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Kursiga tirsigiisu yahay #HOP069 oo uu ku fadhiyo Xildhibaan C/raxmaan Odawaa ayaa la filayaa inuu noqdo kursi siweyn loogu loolamo, isla markaana waxaa Musharaxiinta u sharxan ku jira Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-cadaala.

- Advertisement -

Maamulka Galmudug ayaa si dardar leh u wada doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana haatan doorashadoodu ka socotaa deegaan doorashada labaad ee Gaalkacyo.

Latest stories